(Muqdisho,Arbaco,23,Julaay,2008,(Hornafrik
Media)
Guddoomiyaha isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya ee
xilka ay ka qaadeen xubnaha isbahaysiga ee
Asmara
kusugan sheikh shariif sheikh Axmed ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistay la sheegay in lagu
sameeyay.
Sheikh shariif waxa uu sheegay in xubnaha xilka ka
qaaday ee kusugan Asmara aysan ka badneyn 30 xubnood
islamarkaana aysan awood u lahayn in xil ka qaadis ay ku
sameeyaan.
Sheekhu waxa uu sheegay xubnaha isbahaysiga ay ka kooban
yihiin 191 xubnood.
Waxa
uu ku eedeeyay dowladda Ereteria inay kala qeybinayso
Mucaaradka isagoo intaasi ku daray in maslaxada ah
soomaaliya aysan dooneynin dowladaasi.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo loo doortay guddoomiyaha
golaha fulinta isbahaysiga dib u xoreynta dalka gaar
ahaan garabka kusugan Asmara waxa uu sheegay inay ka
xunyihiin kala qeybsanaanta ku timid isbahaysiga laakin
waxa uu yiri “arrintaasi waxaa sabab u ah sheikh shariif
sheikh Axmed”.
Sidoo
kale Dr Shariif Saalax Maxamed Cali oo ka mid ahaan
jiray baarlamanka xorta oo ku biiray isbaheysiga ayaa
loo magacaabay gudoomiyaha golaha dhexe ee ururkaasi
kala tagay.
Kala
qeybsanaantaan xooga leh ee soo kala dhexgashay
isbahaysiga dib u xoreynta ayaan la ogeyn halka ay ku
danbeyn doonto waxana uu ku soo beegmaysaa xili ay sii
xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeyay xoogaga kacdoonka
iyo Ciidamada Itoobiya oo garabsiinaya dowladda KMG ah
ee Soomaaliya.