Dagaal Sh/hoose ku dhexmaray ciidamada labada dowlo iyo
xoogaga mucaaradka.
(Mogadishu,Axad,20,July,
2008,(Hornafrik
Media)
Iska horimaad la isku adeegsaday hubka
nuucyadiisa kala duwan ayaa goor dambe oo galabta ahayd ka
dhacay wadada dheer ee isku xirta deegaamada Leego iyo
Yaaqbariweyne oo dhamaantood hoostaga maamulka gobolkaasi Sh/hoose.
Dagaalka ayaa qarxay ka dagaal markii xoogaga
kacdoonka wada ay weerar jid gal ahaa ku qaadeen kolanyo
ciidamo isku dhafan oo ahaa Itoobiyaan iyo kuwo cusub oo
dhawaantani loo soo tababaray dowlada federaalka ah ee Somalia
oo ku soo jeeday caasimada Somalia ee Muqdisho la weeraray.
Ilaa iyo iminka lama oga rasmiyan khasaaraha
soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, balse qaar
ka mid ah dadka deegaanka ayaa idaacada
HornAfrik u sheegay in ay jiraan khaasaarooyin
aan koobneyn.
Dhinacyada dagaalamay lama soo sheegin wax
tafaasiil ah oo ay ka soo saareen dagaalka dhexmaray inta
rasmiyan uu khasaarihiisu gaar siisan yahay balse afhayeenka
Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi oo ay qaadeen waxyeelo
badan gaarsiiyeen dhinaca kale rag muhiim ahna ay kaga qabteen
dagaalka.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay
weeraro sii joogtoobaya oo ay qabatintay wadadaasi u dhaxeysa
Leego iyo Yaaqbariweyne ee gobolkaasi.
Wararka ugu dambeeya ee halkaasi aynu ka
heleyno ayaa sheegaya in haatan xaalku degan yahay, inkasta oo
weli taagan tahay cabsiyo laga qabo isku dhacyo kale oo horle
in ay halkaasi ka dhacaan.