21 January maalinta Saxaafadda Somalia oo maanta Muqdisgo laga xusay.

(Mogadishu, January 21 , 2008 HornAfrik Media)

Waxaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho maalinta saxaafadda Somalia oo ku began 21 janaayo taasoo ay ka soo ay soo qeyb galeen xubno katirsan golaha wasiirada iyo ururada bulshada rayidka.

Xafladaan oo si aad loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo katirsan qeybaha bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin katirsan golaha wasiiradda dowladda kmg ah ee Somalia.

Mar uu ka hadlay wasiirku suxufiyiinta u xiran xukuumada somalia ee aan wali la soo taagin wax maxkamad ah ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dadaal uu u galayo sidii loo sii dayn lahaa suxufiyiintaasi.

Waxa lagu soo bandhigay kulanka maanta lagu maamusayay 21 janaayo ee warbaahinta Somalia dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu wax yeeleeyay suxufiyiin ka howlgasha Somalia gaar ahaan magaalada muqdisho.

Boorar waawayn oo ay ku sawiranyihiin qaar ka mid ah xubnihii suxufiyiinta ahaa ee lagu dilay magaalada muqdisho ayaa ka muuqanayay holka lagu qabtay xaflada maanta.

Ra'isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka warfaafinta iyo dhalinyarada isboortiga Axmed Cabdi Salaam xaaji Aadan.

Wasiirka warfaafinta,dhalinyarada iyo isboortiga ahna Ra’isal wasaare kuxigeen Axmed Cabdi salaam xaaji Aadan ayaa si wayn uga hadlay dhibaatada baaxad leh ee haysta warbaahinta somalia waxana uu sheegay in dhexda loo xirto sidii dhibkaasi looga bixi lahaa maadaama aan la shaqayn Karin.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2007 da ayaa waxa uu ahaa kii ugu dhibaatada badnaa ee ay soo marto warbaahinta ka howgsha Somalia waxana lagu dilay Dalka Somalia 8 suxufi oo xiligaasi howlahooda ku guda jiray.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com