Hornafrik
Media)
Safiirka
somaliya u fadhiya wadanka Indonesia maxamuud colow barrow
ayaa waxa uu kulan casha ah la yeeshay qaar ka mid ah ardayda
wax ka barata wadanka Indonesia hotelka lagu magacaabo savoy
homan oo ku yaala wadada asia-afrika uu kulankaasi ka dhacay
ayaa waxa uu yahay hoteelkii ugu horeeyay oo madaxda
asia-afrika eey ku kulmeen

Safiirka oo la fadhiya qaar ka mid ah ardayda somalida
Iyadoo
halkasi eey ka hadleen safriirka iyo madax ka tirsan mid ka
mid ah jamacadaha eey ardayda wax ka bartaan

Safiirka somaliya iyo mid ka mid ah madaxda jamacada eey
ardaydu wax ka bartaan

safiirka somaliya iyo wariyaha hornafrik xuseen fanax
safiirka oo
aanu weydiinay bal ineey jiraan minxooyin wax barasho oo
dowlada wadanka Indonesia eey ugu deqday dowlada somaliya ayaa
waxa uu shegay ineeysan jiran minxooyin xiliga eey gacanta ku
hayaan laakin waxa uu sheegay ineey rajeeynayaan ineey dowlada
wadankaan ka heli doonaan isagoo sheegay inuu balanqaadyo
badan jiro inkastoo aanu ogeey xiliga la fulinayo

Gudoomiyaha ardayda somalida ee wadanka Indonesia iyo wariye
fanax.
Ugu
dambeeyntii waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ardayda somalida
ee wadanka Indonesia
Ibraahim
abdirahman omar oo ugu baqay ardayda in looga bahanyahay
ineey juhdi badan ku bexiyaan xaga wax barashada iyadoo ugu
dambeeyntiina ardayda dhamaantood eey ugu baaqeen
Dhinacyada
kala duwan ee siyasada somaliya isku haya ineey wadahadal wax
ku xaliyaaan
Kulankuna
waxa uu ku soo gabagaboobay somaaliyeey nabad iyadoo
kalimadasna oo safiirka soomaliya ku soo afjaray kulankaasi
Xuseen isaq (fanax) - Jakarta-indonesia
Xuseenfanax99@hotmail.com