Qoysas u Barakacay degmada Dharkeenley oo cabasho muujinaya.

(Mogadishu, Saturday ,15  March 2008,(Hornafrik Media)

Boqalaal qoys oo u barkacay deegaanka Kax shiiqaaleed oo ka tirsan Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo wajahday biyo la’aan iyo musqulo la’aan iyagoo sheegay inay horeyba uga lii teen qeybaha kala duwan ee nolosha.

Kumaan qoys oo ku dhaqnaa qeybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka barakacay guryahoodii kadib markii ay ka dul dhaceen dagaalada u dhaxeeya ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda dowladda oo dhan ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo ku dhaqan degmada dharkeenley gaar ahaan halka la yiraahdo kax shiiqaaleed ayaa haatan muujinaya in dhibaato dhanka biyaha iyo musqulaha ay la soo daris tay.

Dadkaasi waxa ay horey uga liiteen dhinacyada nolosha aas aaska ah iyagoo ay u sii dheer tahay geedo hoostood oo ay jiifaan mana haystaan wax ay ka baad uga galaan roobka iyo qoraxda kulul.

Dad lagu qiyaasay hal milyan ayaa lagu qasbay inay caasimada ay ka cararaan sanadkii la soo dhaafay ilaa hada iyadoo maalinba maalinta xigta ay kor u saa idayaan dadka ka cararaya deegaanada kala duwan ee gobolka Banadir.

Qeybo ka mid ah gobolada dalka Somalia ayaa waxa iminka ka jira abaaro aad u xoogan kuwaas oo hala keeyay dadka iyo duunyadaba waxana qaar ka mid ah Hay’adaha wadaniga iyo kuwa caalamiga ay wadaan dadaalo la doonayo in dadkaasi lagu caawino.

Qaar ka mid ah dadka abaaruhu taabteen ayaa waxa ka mid ah qoysas ka barkacay dagaalada ka soconaya caasimada Magaalada Muqdisho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com