(Mogadishu,
January
20
,
2008
HornAfrik Media)
Ra'iisul
Wasaaraha xukuumada fedaraalka kmg ah ee Somalia Nuur Xasan
Xuseen (Nuur Cadde) iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta soo
gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mudada gaaban ee ka
dhiman dowladda kmg ah ay ku dhamayn doonaan howlaha hor yaala
ee u baahan wax ka qabashada.

Ra’isal
wasaaraha xukuumada kgm ah ee somalia nuur xasan xuseen oo
barqanimadii maanta ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee
Magaalada Muqdisho kadib markii ay saaka ka soo ambabaxeen
maagalada baydhabo waxa ay salaam sharaf ka qaateen ciidamada
qalabka sida iyo kooxaha banbayda.
Waxaan ku soo
dhaweeyay gagada diyaaradaha wefdiga uu hogaaminayay Raysal
wasaare nuur cade mas’uuliyin katirsan maamulka gobolka
banadir nabad sugida iyo taliyaasha ciidamada booliska
Soomaaliyeed.

Waxa uu
sheegay Nuur cade in si dhaqsi ay xuukuumada cusub uga bilaabi
doonto howlaheeda Magaalada Muqdisho.
Kalsooni
ayaan ku qabnaa aniga iyo xukuumadeydu inaan ku guulaysan
doono mudada noo dhiman inaan dib u heshiisiin ka hirgalino
wadanka soomaaliya lagana gudbo qaabka 4.5 ee loo tilaabo in
cid walba oo qaan gaar ah ay codkeeda dhiibato ayuu yiri Nuur
cade.

Waxa uu ka
hadlay is isafgaran waaga u dhaxeeya qeybaha saxaafadda iyo
dowladda kmg ah waxaana uu tilmaamay in dhibaato ay haysato
saaxafadda madaxa banaan islamarkaana laga gudbayo wixii hada
ka dambeeya.
Wefdigaan
waxaa ka mid ahaa Raysal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka
warfaafinta iyo dhalinyarada iyo isboortiga Axmed cabdi salaam
xaaji aadan iyo waliba wasiirka arrimaha gudaha xukuumada kmg
ah.
Waxaa uu ku
soo beegmayaa imaatinka wefdigaan xili magaalada Muqdisho ay
ka jiraan dagaalo aad u qaraar kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada
itoobiyaanka iyo kuwa dowlada kmg ah ee
Somalia
oo dhan ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaanka
ciidamada itoobiya.








