Mogadishu ,11,
September 2007 (HornAfrik Media)
Ilaa 6 qof ayaa
ku geeriyooday inta la ogsoonyahay sideed kalena waa ay ku
dhaawacmeen dagaal labo beelood ku dhexmaray deegaanka ceel dheer oo
katirsan gobolka sh/dhexe.
Dagaalkaan ayaa
waxaa la sheegay in uu ahaa mid xoog badanaa islamarkaana ay
maleeshiyo badani ka qaybagashay.
Dadka ku
dhaawacmay dagaalkaan ayaa waxaa loo kala qaaday magaalooyinka B/wayne
iyo Jowhar iyo balad
wayne
oo si halkaasi loogu soo daaweeyo.
Afar ka mid ah
dadka ku dhaawacmay dagaalkaan oo shalay gabal dhcii ka dhacay
deegaanka garaska xaarane ayaa la geeyay maanta isbitaalka degmada
Jowhar ee gobolka sh/dhexe.
Isbitaalka
Magaalada Jowhar oo mudooyinkii ugu dambeeyay aan la gayn wax
dhaawacyo ayaa u muuqda mid mashquul ah.
Afartaan ruux e
dhaawacantay oo mid kood ay tahay haweenay ayaa labo ka mid ah ay
yihiin kuwa dhaawacoodu uu yahay mid halis ah dhaqaatiirta ayaa ku
howlan sidii dhaawacyadaasi ay ula tacaali lahaayeen.
Ilaa iminka lama
sheegin sababta keentay dagaaladaasi ka soo cusboonaaday deegaano
katirsan sh/dhexe.