Howlgaladii Ciidamada itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah  ay ka wadeen suuqa Bakaaraha oo soo afjarmay.

Mogadishu ,11, September 2007 (HornAfrik Media)

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa itoobiya ayaa waxaa ay soo afjareen howlgalo ay ka sameeyeen saaka suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,iyadoo ugu yaraan 10 ruux  ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay maanta suuqa.

Saraakiisha sar sare ee Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in la soo gabagabeeyay howlgaladiii Baaritaanada ahaa ee saaka waabarihii hore laga fuliyay qeybo badan oo ka mid ah suuqa wayn ee Bakaaraha oo maanta wax ganacsi ah aysan ka dhicin.

Taliye kuxigeenka Ciiidanaka Booliska gobolka Banaadir gaashaanlle dhexe C/laahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya ay baaritaanadooda ku qab qabteen dad dhowr ah oo looga tuhun qabo rabshada ka taagan Magaalada.

Waxaa uu sheegay sagaalkaani in qofkii lagu waayo ku lug lahaanshaha rabshadaha Muqdisho la siidayn doono.

Ciidamada itoobiyaanka oo iyana ka qeyn qaatay howl galkaasi waxaana saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya ay xaqiijiyeen in iyana ay ka baxeen suuqa.

Dhinaca kale qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha intii howlgaladaani ka soconayeen saaka ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay toban ruux kuwaas oo mid kood uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray waxaana saraakiisha Ciidamada u hadashay ay sheegeen in baaritaanadaani lagu raadinayay walxa qarax iyo hub.

Baaritaanada xoogan ee saaka ay ka wada Fuliyeen suuqa Bakaaraha Ciidamada dowladda Itoobiya kuwa soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa xili bisha barakysan ee ramadaan ay maalmo yar inaga xigaa, iyadoo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir iyo daafihiisa ay u soo adeegtagayaan suuqa Bakaaraha. 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com