Askari katirsan Ciidamada Booliska dowladda KMG ah oo lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Mogadishu ,11, September 2007 (HornAfrik Media)

Kooxo ku hubaysan toorreeyo ayaa xalay fiidkii dil u gaystay Magaalada Baydhabo askari katirsan Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaaladaasi.

Askari ka mid ah  ciidamada booliska dowladda fadaraalka  KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,iyadoo ninkaasi la sheegay in xiliga la dilayay uu marayay xaafad lagu magacaabo Mursal.

Waxaa lagu Magacaabi jiray  askarigaan geeriyooday Abuukar Sheekh Xuseen abuukar dheere waxaana uu dhaawac ahaan ugu geeriyooday toorrayada ay la dhaceen kooxahaasi aan la garan.

Askarigaan ayaa waxaa laga qaatay qori aake 47 ah sida ay sheegeen ila ku dhaw dhaw Magaalada Baydhabo.

Arrintaan ayaa waxaa ay tahay markii ugu horreysay oo Toorreey lagu dilo askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya.

 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com