Shirwayneha
ka socda Magaalada Asmara ee dalka Ereteria oo maalinimada
Barri ah la soo gaban gabaynayo,iyadoo ay ka qeyb galeen
salaadiin ka socota Puntland.
Mogadishu ,11,
September 2007 (HornAfrik Media)
Shirwayneha ka
socda Magaalada Asmara ee dalka Ereteria ayaa ku dhaw
gabangabo,iyadoo ay shalay ay warbixino ka jeediyeen xubno cusub oo
ku biiray kulankaasi.
Shirka ka
soconaya Magaalada
Asmara
ee dalka Eretreia oo ay ka qeybgalayaan golihii Maxaakiimta
islaamiga,baarlamaanka xorta ah ,siyaasiin, aqoonyahano soomaaliyeed
oo ka yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa diblamaasiyiin ayaa waxaa
shalay ilaa xalay ku biiriyay xubno ka mid ah qeybaha kala duwan ee
Bulshada soomaaliyeed.
Waxaa ku biiray
shirkaasi Ugaasyo, malaaqyo,Jaaliyado, iyo salaadiin ka timid
deegaanka Puntland iyo xubno kale oo ajini ah sida uu sheegay Imaam
sheikh Bashiir IMaam Maxamuud Imaam (dhoolayare) isagoo intaasina
raaciyay in xubnahaasina ay ka jeediyeen Madasha shirka hadalo kale
duwan.
Waxgaradka ka
socday Puntland ee shirkaasi ka hadlay islamarkaana ka warbixiyay
xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaa ka mid
ah suldaan saciid cartan oo ah salaadiinta ragga ugu waawayn
Maamulka Puntland.
Shirwaynahaasi ka
soconaya Magaalada
asmara
ee dalka ereteria ayaa hadana dowladda Itoobiya waxaa ay sheegtay in
ragga kusugan Magaalada asmara ay yihiin kooxo argagixiso ah.
Imaam sheikh
Bashiir Imaam Maxamuud oo wax laga waydiiyay eedeyntaasi ka timid
dhinaca Itoobiya ayaa waxaa uu sheegay in tani ay tahay mid itoobiya
ay doonayso in ay ku xalaalaysato xooga ay ku haysato dalka
soomaaliya sida uu hadalka u dhigay imaamku.
Shirkaasi ka
soconaya Magaalada
asmara
ee dalka ereteria ayaa waxaa uu yahay mid gaban gabo ku dhaw,iyadoo
maalinimadii barri ah lagu wado in la soo af meero shirka
islamarkaana uu ka soo baxo isbahysi ay ku midaysanyihiin kooxaha
kala duwan ee soomaalida kuwaas oo diidan gabi ahaanba joogitaanka
Ciidamada itoobiya ee Soomaaliya.