Ciidamo
Itoobiyaan ah oo saaka isku fidiyay qeybo ka mid ah Muqdisho.
Mogadishu ,11,
September 2007 (HornAfrik Media)
Ciidamo
itoobiyaan ah oo fara badan ayaa saaka la soo dhoobay xaafadaha
degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee Magaalada Muqdisho. halkaasi oo
dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadka ay hakad galeen.
Waxaa saaka dadka
degan xaafadaha degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee Magaalada
Muqdishoi ay ku waabariisteen Ciidamo aad u fara badan oo itoobiyaan
ah kuwaas oo hakad galiyay dhaqdhaqaaqii gaadiidka dadwayneha ee u
kala gooshi jiray deegaanada kale duwan ee Magaalada.
Isgoyska Balaag
sii ee degmada Hodan ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamo itoobiyaanka oo
jardiinooyinka fadhiya,iyadoo sidoo kale xaafadaha qaar kood
kujireen.
Sidoo kale
isgoyska Baar ubax ayaa isna waxaa soo buux dhaafiyay Ciidamada
itoobiya oo aad u hubaysan kuwaas oo aan la garanayn sababta keentay
in saaka ay isku fidiyaan deegaanadaasi.
Gaadiidka BL-K ah
ee ka dhex shaqayn jiray degmada afgoooye ee gobolka sh/hoose iyo
Magaalada Muqdisho ayaan saaka gabi ahaanba lagu arkin isgoysyada
deegaanada Baar ubax iyo Black sea ee Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale
waxaa qarax Bamgacmeed lagu qiyaasay laga maqlay inta u dhaxaysa
isgoyska Baar ubax iyo Hotel Salaamo halkaas oo Ciidamada itoobiya
ay kusuganyihiin hase yeeshee lama oga qasaaraha uu gaystay
qaraxaasi iyo waliba rasaas ay fureen qaraxa kadib Ciidamada
itoobiyaanka.
Ilaa iminka lama
oga sababta Ciidamada Itoobiyaanka oo qur ah ay u soo dhoobteen
saaka deegaanadaasi.