Qarax bambaano oo ka dhacay degmada W/weyn ee gobolkaasi Sh/hoose.

Mogadishu ,10, September 2007 (HornAfrik Media)Inta la ogyahay ilaa iyo labo askari ayaa geeriyootay labo kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax baabuur oo ka dhacay degmada W/weyn ee gobolkaasi Sh/hoose. 

Bambaanadaasi ayaa sida ay idaacada HornAfrik u sheegeen dad goob joogayaal ahi waxaa lala bartilmaameed saday mid ka mid ah gadiidka ciidamada booliska xukuumada federaalka ee ku sugan gudaha degmadaasi.

Weerarka lagu qaaday gaarigaasi ay wateen ciidamada booliska ayaa loo adeegsaday bambaanooyinka nuuca meelaha fog laga hago kaasi oo lagu qarxiyay gaarigaasi. 

"waxaa durbaba goobtii uu qaraxu ka dhacay soo buuxiyay ciidamo aad u fara badan kuwaasi oo isku gadaamay baabuurkii la qarxiyay iyo askartii dhaawacyadu ay soo gaareen mana garan karno haddii uu qasaaruhu ka badan yahay intaasi aynu aragnay markii qaraxu qabsaday gaariga booliska" ayuu yiri goob joogahaasi oo codsaday in aan magaciisa la shaacin. 

Ilaa iyo iminkana lama garanayo sababaha keenay qaraxa bambaanadaasi ka qaraxday degmadaasi W/weyn oo iyadu ka mida degmooyinka hoos yimaada gobolkaasi wax soo saarka qaniga ku ah ee Sh/hoose. 

Qaraxaasi ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee mudooyinkaani dambe soo mara degmadaasi.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com