Ciidamada dowladda oo dad ka watay maanta degmada wardhiiley
ee Magaalada Muqdisho.
Mogadishu ,10,
September 2007 (HornAfrik Media)
Ciidamo katirsan
dowladda KMG ah ee soomaaliya oo maanta howlgalo ka sameeyay qeybo
ka mid ah degmada wardhiiglay ee Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka
ka xaystay qaar ka mid ah dadka deegaankaasu ku nool oo uu ka mid
ah Imaamka masjid halkaasi kuyiilay.
Ciidamada
dowladda fadaraalka soomaaliya oo maanta howlgalo ka sameeyay qeybo
ka mid ah degmada wardhiiglay ayaa halkaasi ka watay dad gaaraya
ilaa sadax ruux oo uu ka mid ah yahay imaamka masjid kuyaala
deegaankaasi.
Lama oga sababta
ay ku ka xaysteen Ciidamadaani dadkaasi rayid ah in kastoo ay
hoobiyaal halkaasi ku soo dhaceen xalay taasoo ay sheegeen Ciidamda
dowlada in ay tuhun ahaan u qabteen dadkaasi.
Ciidamadaan ayaa
maanta xir xiray aaga xarunta xerta shekh Aden dheere oo ay
baaritaanada ka wadeen iyadoo ku dhawaag hal saac dadka deegaanka ay
sheegeen in ay kujireen qalqal xoogan.