Dilal
kala duwan oo 24 saac ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada
Muqdisho.
Mogadishu ,10,
September 2007 (HornAfrik Media)
Dilalka kala
duwan ee loo gaysanayo dadka rayidka ah 24 saac ee la soo dhaafay
ayaa kii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay agagaarka suuqa cirtoogte
ee Magaalada Muqdisho.
Dilalkaan oo kale
dhacay xalay ilaa maanta ayaa lagu kala fuliyay ilaa dhowr qof oo
kala duwan maanta kii ugu dambeeyay dilalkaasi waxaa uu ka dhacay agagaarka
Bosteejada Baardheere ee u dhaw suuqa cirtoogte ee Magaalada
muqdisho.
Ninkaan la dilay
ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Biin islamarkaana waxaa uu ka
mid ahaa dadka ku dhaqan deegaanka raadeelka
Gabar meherad
ganacsi ku haysata halka ninkaani lagu dilay ayaa Hornafrik uga
warbixisay qaabka ay wax u dhaceen.
Ninkaan waxaa
dilay rag sida la sheegay rag bastoolado ku hubaysan oo tiradoodu
ay gaarayso ilaa 2 ruux.
Marka laga soo tago ninkaas maanta lagu dilay suuqa cirtoogtaha ayaa sidoo kale
waxaa jirtay in xalay ilaa saaka lagu kala dilay Magaalada Muqdisho
dad kale
kuwaas oo labo ka mid ah lagu dilay xaafada Gubta halka mid kalena
lagu dilay xaafada xamarjadiid ee degmada wardhiilay.
Maalmihii ugu
dambeeyay ayaa magaalada muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka
qorshayn ee loo gaysanayo dadka rayid ah ee aan waxba galabsan iyo
kuwa aan la ogayn markaasi waxa ay sababsadeen.