Xubno uu ka mid yahay Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo gaaray Magaalada Asmara.

Mogadishu ,10, September 2007 (HornAfrik Media)

Xubno uu ka mid yahay ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo katirsan odoyaasha dhaqanka Beelaha soomaaliyeed ayaa shalay galinkii dambe ku biiray madasha shirka asmara oo dhinacyada Mucaaradka halkaasi kusugan ay sheegeen in ay dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan isbahaysi cusub.

Shirka ka socda Magaalada asmara ee dalka ereteria oo ay isagu yimaadeen xubno ka socda golihii Maxaakiimta islaamiga baarlamaanka xorta iyo waliba soomaali kale oo aad u fara badan ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo xaalada dib u soo nolaynta nabaddii dalka soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen in ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan kooxahaasi isbahysi dhan ka ah dowladda KMG ah ee soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada itoobiyaanka ee kusugan dalka soomaaliya,iyagoo sheegay in ay ka soo horjeeda qaabka 4.5 oo haatan ay ku dhisan tahay dowladda KMG ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shalay galinkii dambe gaaray Magaalada asmara ee dalka ereteria Ugaas Cabdi daahir Ugaas Nuur oo ka mid ahaa Odoyaashii dhaqanka ee horay u qaadacay shirkii lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com