Maamulka Gobolka Hiiraan oo mamnuucay gaadiidka Muraayadaha Beensalka leh.

Mogadishu ,10, September 2007 (HornAfrik Media)

Wareegto ka soo baxday Maamulka gobolka Hiiraan ayaa gabi ahaanba lagu mamnuucay in Magaalada B/wayne lagu wato baabuurta Muraayadaha beensalka ah leh,iyagoo sidoo kale sheegay in aan qaadka lagu iibin karin wadooyinka Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf dabageed ayaa waxaa uu amar ku bixiyay isla maanta in gaadiidka leh muraayadaha Madow aysan ku dhex socon karin Magaalada B/wayne.

Waxaa uu sheegay in loo ogol yahay oo kaliyah baabuurta nuucaasi ah  kuwa ay wataan Mas’uuliyiinta kala duwan ee gobolka Hiiraan.

24 saac gudoohood ayaa la doonayaan in muraayadaha laga fiiqo gaadiidka iminka leh waxaa sidaasi yiri Mr dabageed. 

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu intaasi ku daray in cidii amarkaan fulin waysay lagu ganaaxi doono lacag gaaraysa hal milyan oo shillinka soomaali ah waxaana uu intaasi raaciyay in arrintaan ay tahay talaabo la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka gobolka lagu xaqiijiyo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu amar kusiiyay dhamaan dadka ku ganacsatada qaadka kuwa soo dajiya iyo kuwa ka ganacsatadaba in aysan ku ganacsan karin gudaha Magaalada B/wayne.

Waxaa loo qorsheeyay qaadka in lagu iibiyo xarunta dalxiiska ciidii diidana waxaa lagu ganaaxayaa shan boqol oo lacagta soomaaliga ah islamarkaana xabsiga la dhigi doono ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Inta badan marka uu uu qaadka soo dago ayaa waxaa ciriir noqday wadooyinka Magaalada B/wayne.

Awaamiirtaan ka soo baxday Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka dambaysay kadib markii habeen hore gaari uu saarnaa Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Mr dabageed la isku dayay in lagu qarxiyo taasoo aysan waxba ka soo gaarin Gudoomiyaha iyo ilaaladiisa balse rasaas ay fureen ilaalada la socotay uu ku dhintay hal ruux ,iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay.

 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com