Ray’sal
wasaare Geeddi oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Mogadishu ,10,
September 2007 (HornAfrik Media)
Ray'sal wasaaraha
dowladda KMG ah ee soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo wefdi uu
hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii
dalka Jabuuti ay kulamo kula soo qaateen ganacsato uu ka mid yahay
abuukar Cumar cadaan iyo Mas’uuliyiin katirsan dalkaasi.
Raysal wasaare
Geedi ayaa intii uu kusugnaa Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti
waxaa uu kulamo goono gooni ah la yeeshay Mas’uuliyiin katirsan
dowladda dalka Jabuuti iyo waliba ganacsato soomaali ah kuwaas oo la
sheegay in uu ka mid ahaa xaaji abuukar cumar cadaan oo ka mid ahaa
Mas’uuliyiintii Maxaakiimta islaamiga.
Rage kale uu la
kulmay Raysal wasaare intii uu joogay dalka Jabuuti ayaa waxaa ka
mid ah ganacsade eenow iyo waliba Bashiir raage oo ka mid ahaa
ururkii la baxay la dagaalanka argagixisada kuwaas oo meesha ay ka
saareen golihii maxaakiimta islaamiga
Mas’uuliyiintaan
oo iyagu ah dhamaantood kuwa ka soo jeeda halbeel ayaan la ogayn wax
yaabaha rasmiga ah ee ay ka wada hadleen inkastoo afhayeenka
Xaafiiska Raysal wasaaraha C/laahi Muxudiin uu sheegay in
kulamadaasi ay ahaayeen kuwa guul laga gaaray sida hadalka uu u
dhigay.