Mogadishu ,10,
September 2007 (HornAfrik Media)
Ilaa 4 qof oo
rayid ah ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay tira kalena waa ay ku
dhaawacmeen weeraro hoobiyaal ah oo habeenimadii xalay ay is
dhaafsanayeen kooxo hubaysan oo bartilmaameedsanayay xarunta
Madaxtooyada Villa-Somalia iyo garoonka istaadiyo Muqdisho halkaasi
oo ay kusugan yihiin Ciidamada itoobiyaanka oo iyana weerarkaasi
jawaab ka bixiyay.
Weeraradaan oo la
isku adeegsaday nuucayda qorayaha waawayn ee hoobiyaasha ayaa waxaa
ay bilowdeen saacaddu marka ay ahayd sadaxdii habeenimo iyo qadara
daqiiqado ah kuwaas markii hore lala bartilmaameedsaday xarunta
Madaxtooyada ee dowladda KMG ah ee soomaaliya.
Hoobiyaashaan
ayaa waxaa sidoo kale kooxo hubaysan ay ku weerareen garoonka
kubadda cagta ee istaadiya Muqdisho halkaasoo ay kusuganyihiin qaar
ka mid ah ciidamada itoobiyaanka.
Waxaa la arkayay
madaafiic fara badan oo jawaab celin ah kuwaas oo aan iyana loo meel
dayin islamarkaana ku habsaday xaafado dad rayid ah ay ku nool
yihiin oo ka ag dhawaa goobihii Madaafiicdu ka soo dhacaysay.
Deegaanka suuqii
hore ee xoolaha ee degmada wardhiilay oo ka ag dhaw aqalka
Madaxtooyada ayaa qasaarihii ugu badnaa uu soo gaaray dad rayid ah
kadib markii madaafiic hoobiyaal ah oo isla socotay ay ku habsadeen
sida ay Hornafrik u xaqiijisay haweenay ka mid ah dadka deegaankaasi.
Hal qoys oo ka
mid ah dadka deegaankaasi ayaa waxaa soo food saartya qasaarihii ugu
waynaa kadib markii ay ka dhinteen sadax wiil oo walaala ah iyo
hooyadii dhashay wiilashaasi,iyadoo sidoo kale uu dhaawac aad u
culus soo gaaray aabihii qoyskaasi,
Si kastaba ha
ahaateen dhawaan ayay ahayd Markii madaafiic hoobiyaal ah oo lagu
tuuray degmada shibis iyo C/casiis oo xiligaasi uu ka soconayay
shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ay ku dhinteen dad
rayid ah oo aan waxba galabsan.
Inta badan
Ciidamada itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa marka ay
dhacdo in hoobiyaal lagu soo weeraro waxaa ay iyana jawaab aysan u
meel dayin u diraan goobaha ay qiyaasayaan in hubka looga soo riday
taasoo inta badan dhibaato xoogani ay ka soo gaarto dad aan waxba
galabsan.
goor dhaw Daawo
Sawiradda dhibaatada ku dhacday qoyskaan.