Ciidamada dowladda KMG ah oo fariisimadoodii degmada Hiliwaa dib ugu soo laabtay.

Mogadishu ,09, September 2007 (HornAfrik Media)

Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay fariisimadii ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa la arkayay saaka barqanimadii ciidamo aad u fara badan oo katirsan booliska dowladda KMG ah ee soomaaliya oo soo buux dhaafiyay goobihii ay maalinimadii jimacaha ahayd ka garuureen eek u yiilay agagaarka isbitaalka wayn ee SOS iyo deegaanka suuqa xoolaha.

Waxaa ay wateen ciidamadaan baabuurta tignikada ah ee looyaqaano cabidbilayaasha waxaana ay Saldhig ka dhigteen shaneeno cabdi waayeel oo u dhaw isbitaalka SOS.

 Saraakiisha ciidamada ayaa dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamadaan dib ugu oo laabtay fariisamihii ay baneeyeen awal ay tahay xeelda u gaar ah Ciidamada oo ay ku macneeyeen ciidan guur guura oo hadba meel dega ida hadal ay u dhigeen.

Dadka deegaanada Hiliwaa ayaa waxaa ay muujinayaan in mar kale ay soo food saartay cabis balaaran tasoo ay ka qabaan Ciidamada dowladda KMG ah oo mar kale dib u soo laabtay taasoo hadii ay sii joogaan ay sheegeen dadku in dagaal huruwaynto ay yihiin.

Dhinaca kale Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay saaka baneeyeen inta u dhaxaysa isgoysyada degmooyinka H/wadaag iyo Hodan halkaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay fariisimo ka dhigteen ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska.

Degmada Hiliwaa ayaa waxaa bishii la soo dhaafay ee agoosto ka barakacay dad aad u fara badan kuwaas oo har iyo habeenba weeraro ay ka dul dhacayeen

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com