10 ruux ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysay Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Mogadishu ,09, September 2007 (HornAfrik Media)

Ilaa iyo 10 ruux ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada afgooye  halkaasoo uu ku rogmaday gaari Mini Bus ah oo siday haween u badan ganacsatada qaadka. 

Gaarigaan oo ahaa nuucu caasi ayaa waxaa uu ku sii jeeday garoonka No:60 ee duleedka Magaalada Muqdisho isagoo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Toban ka qof ee ku dhaawacmay ayaa waxaa ahaayeen haween saarnaa gaarigaasi oo iyagu ah ganacsatada iibsata qaadka

Dadkaan ayaa waxaa la keenay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho waxaana intooda badan ay yihiin kuwa uu ku yimid jajab dhinaca lafaha iyo waliba shirka intiisa kale sida madaxa.

Waxaa arrintaan dhaawacyada la soo gaarsiiyay isbitaalka Madiina xaqiijiyay Madaxa isbitaalka Madiina Daahir Maxamed Maxamuud daahir dheere.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dadkaasi ay xaaladooda caafimaad ay haatan aad u fiicantahay qaar kood islamarkaana ay la taacalayaan dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka.

Shilalkaan inta badan ka dhacaya qeybaha kala duwan ee gobolada dalka soomaaliya ayaa waxaa sababa dhowr ciladood kuwaas oo ay ka  midyihiin darawaladda oo aan xirfad layaal ahayn iyo waliba wadooyinka oo si aad ah u burbursan. 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com