Dowladda maraykanka oo goob argagixisada lagu qariyo ku sheegtay xukuumada Asmara.

Mogadishu ,09, September 2007 (HornAfrik Media)

Cade Muuse:-“ howlihii 9 sano aanu soo wadnay waxaa wiiqaya sharciga Baarlamaanka FKMG ah ee Somalia.

Madaxeyneha Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in sharciga arrimaha khiiraadka dalka ka hadlaya ee qoraal ahaanta shalay loogu qeybiyay baarlamaanka fadaraalka KMG ah uu yahay mid wiiqaya heshiisyadii Maamulkiisu uu horay u galay.

Madaxwayneha Maamul goboleedka Puntland cade Muuse xirsi oo iminka kusugan isku taga imaaraadka ayaa waxaa uu sheegay in si aad ah uu uga xunyahay sharciga qoraalka ah ee shalay loo qeybiyay baarlamaanka fadaraalka soomaaliya oo haatan fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Howlihii sagaalka sano aanu soo wadnay iyo heshiisyadii aanu la galnay dowladda KMG ah ee soomaaliya waxaa dhaawacaya sharcigaan ay ka hadlayaan Baarlamaanka fadaraalka ahi kaasoo ku aadan qiiraadka dalka” ayuu yiri cade Muuse

waxaa uu sheegay cade Muuse in horay ay ula kulmeen mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda KMG ah ee soomaaliya iyagoo markaasina kala hadlay arrimaha quseeya batroolka islamarkaana ay moqqofkooda u xaqiijiyeen.

Waxaa uu ka hadlay sidoo kale Maamulo dhawaan la sameeyay gobolo ood wagaag la ah Somaliland  Maamulka Puntland oo loo bixiyay Maaqir waxaana uu ku tilmaamay mid been abuur ah oo aysan waxba kajirin islamarkaana uu Idaacadaha ka maqlay oo kaliyah.

Hadalkaan ka soo baxay Madaxwayneha Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii shalay loo qeybiyay Baarlamaanka fadaraalka soomaaliya sharci qoraal ah oo ka hadlay Batroolka dalka soomaaliya. 

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com