Dowladda maraykanka oo goob argagixisada lagu qariyo ku sheegtay xukuumada Asmara.

Mogadishu ,09, September 2007 (HornAfrik Media)

Dowladda maraykanka ayaa eedayn xoogan u jeedisay xukuumasda asmara,iyadoo ku eedaysay in ay kaalmaynayso waxa uu maraykanku ugu yeero argagixisada.

Kuxigeenka kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda miss Jendayi Frazer oo maalintii shalay ahayd kulan kula yeelatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya Ray’sal wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi ayaa waxaa ay kaga wadadoodeen arrimaha soomaaliya gaar ahaan sidii ciidamadii horay loogu balanqaaday in la geeyo dalka soomaaliya ee ka socday Midowga africa loo dadajin lahaa.

Kulankaasi kadib ayaa Miss Jendayi oo shir jaraa’id ku qabatay halkaasi ay ay eedeyn kulul ugu jeedisay xukuumada asmara waxaana ay ku eedaysan xukuumadaasi in ay caawinto argagixisada islamarkaana ay hoy siiso.

Jendayi Frazer ayaa waxaa ay ku tilmaamtay joogitaanka dalka ereteria uu jooga sheikh Xasan daahir aways Gddoomiyihii golaha shuurada Midowga Maxaakiimta islaamiga in uu muujinayo in ereteria ay how siiyo argagixisada sida hadalka  ay u dhigtay.

Waxaa ay sheegtay in sir badan ay hayaan maraykanku kaasoo ku aadan in xukuumada asmara ay gacan buuxda siiso argagixisada caalamiga ah.

Hadlkaan ka soo baxay dowladda maraykanka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili xukuumada asmara ay marti galisay shir ka dhan ah dowladda fadaraalka soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu soconayo maalintii 4-aad waxaana hadalkaan si wayn isaga fogeeyay dowladda ereteria.   

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com