Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa uu baryahaan kujiray
jahaweer kaasoo ka dhashay kadib markii ay soo buux dhaafiyeen
suuqaasi Ciidamo fara basdan oo katirsan dowladda KMG ah ee
soomaaliya.
Waxaa maanta duhurnimadii la arkayay goobaha ganacsiga
suuqa oo si habsami leh loo furayay iyadoo ganacsataduna ay
muujinayeen dareen xoogan.
Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa waxaa la arkayay
iyaga oo so caadi ah u dhex mushaaxaya wadooyinka soo gala suuqa
waxaana la dhihi karaan gabi ahaanba maanta waa uu ka xasiloonaa
suuqa Bakaaraha sidii uu ahaa sadaxdii maalin ee ugu dambaysay.
Dad aad u fara badan ayaa dhibaatooyin ay kala soo
gudboonaatay intii uu xirnaa suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho
iyadoo xiligaan ay maalmo uun ka harsanyihiin bisha barakaysan ee
ramadaan.