Guutooyinka 3-aad iyo 1-aad ee ciidamada dowladda KMG ah ee Somaliya oo jidgooyooyin dhigtay inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Jilib.

Mogadishu ,08, September 2007 (HornAfrik Media)

wadooyinka isku xira kismaayo iyo jilib ayaa waxaa ku soo kordhaya isbaarooyin ay dhigayaan kooxo burcad ah kuwaas oo dhibaatooyin ku haya dadka shacabka ah ee wadooyinkaasi ku safra.

Jidgooyooyinkaan oo inta badan yaala wadooyinka ku dhaxeeya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J.hoose iyo degmada Jilib ee j/dhexe ayaa waxaa dhiganaya Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya gaar gaar ahaan Guutooyinka 3-aad iyo 1-aad

Ciidamadaan ayaa waxaa ay ku andacoonayaan inaysan bilooyinkii ugu dambeeyay helin mushaarooyinkii ay lahaayeen

Xasan Maxamed Cali Xasan dheere oo ah afhayeenka Beesha sade ee J/hoose ayaa sheegay in arrimahaani ay yihiin kuwa aysan waxba ka qaban karin islamarkaana

Mas’uuliyiinta dowladda ugu saraysa ay haboon tahay inay ka hadlaan waayo buu yiri Ciidamadaani wax mushaaraad ah kama aysan helin dowladda KMG ah ee soomaaliya.

Jidgooyooyinkaani ayaa waxaa gaadiidka looga qaadayaa lacago fara badan taasoo ay cabsho balaaran ka qabaan darawalada gaadiidka wada waliba dadka rayidka ah ee safarka ah.

Sahro cabdi Axmed" Kismaayo

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com