Tacshiirad ay fureen Ciidamo katirsan dowladda KMG ah oo dad rayid ah ay ku dhinteen.

Mogadishu ,06, September 2007 (HornAfrik Media)

Inta la ogyahay sadax ruux ayaa ku geeriyootay shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib qul qulatooyin ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho.

2 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray tacshiirado iyo qarax ka dhacay maanta qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan  wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Labo ruux ayaa ku geeriyootay rasaas si macno daro ah u fureen Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee soomaaliya oo sida la sheegay howl galo ka bilaabay deegaanka suuqaxoolaha iyo agagaarka SOS ee degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale dadka deegaankaasi sheegeen in lacago laga qaatay oo ay si xoog ah kaga qaateen Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya waxaana iminka soo baxaya cabasho balaaran oo dadka shacabka ah ka muujinayaan ciidamada loogu talagalay ammaanka inay sugaan oo iyagu sidii dad isbaaro u taal oo kale u dhaqmaya iyadoo kuxigeenka dhinaca nabad sugida gobolka Banaadir mr Bariise uu sheegay in dadka cabanaya ay la soo xariiraan saldhigyada ciidamada si wax looga qabto waxa ay ka cabanayaan.

Dhinaca kale qarax saaka ka dhacay agagaarka wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku naf waayay qof rayid ah iyo dad kalena ay ku dhaawacmeen.

 Howl wadeenada isbitaalka Madiina ayaa waxaa ay sheegeen in maanta la soo gaarsiiyay ugu yaraan 5 qof oo ku soo dhaawacmay rabashada ka aloosan Magaalada Muqdisho.

 Dhinaca waxaa wali xiran howlihii dhaqdhaqaaqa suuqa wayn ee Bakaaraha iyadoo dadka shacabka ahna gaar kuwa xamaalatada ay walaac xoogan arrintaan kamuujinayaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u sii cakirmaya nolosha iyo ammaan darida haysata dadka shacabka ah eek u nool Magaalada Muqdisho iyadoo maalinimadii shalay ay dad fara badan ku dhinteen rabshadihii hareeyay guud suuqa Bakaaaraha deegaanada ku teedsan.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com