Dhinacyada ka soo horjeeda siyaasada dowladda KMG ah ee Somalia oo maanta shir uga furmayo dalka Ereteria.

Mogadishu ,06, September 2007 (HornAfrik Media)

Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Asmara ee dalka Ereteria uu ka furmo shir ay soo qaban qaabiyeen kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dowladda KMG ah ee soomaaliya.

Shirkaan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Maxaakiimtii islaamiga baarlamaanka xorta ah iyo soomaali iyo siyaasiin dibad joog ah ayaa waxaa lagu wadaa maanta in si rasmi ah uu uga furmo Magaalada Asmara ee dalka ereteria.

Magaalada asmara ayaa laga dareemayaa dhaqdhaaq xoogan oo la doonayo in shirkaasi uu furmo iyadoo maalmihii ugu dambeyayna ay halkaasi ku sii qul qulayeen dhamaan ka qayb galayaasha shirka sida uu Hornafrik uga waramay Sheekh Yuusuf Cali caynte oo ka mid ah gudiga fulinta Maxaakiimta islaamiga.

Waxaa uu intaasi ku daray in shirkaani uu ka bedelnaan doono kuwii hore ee dalka loo qaban jira sida uu hadalka u dhigay waxaana taasi uu ula jeeday qaabka lagu saleeyay 4.5 ka.

Ujeedooyinka shirka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo heli lahaa urur midaysan oo soomaali ah kuwaas oo fududeeya sidii ciidamada itoobiya looga saari lahaa dalka gudaha soomaaliya.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com