hareeraha suuqa Bakaaraha oo
Ciidamo fara badan la soo dhoobay saaka.
Mogadishu ,06,
September 2007 (HornAfrik Media)
dhaqdhaqaaq
Ciidan oo xoogan ayaa saaka kajira suuqa wayn ee Bakaaraha ee
Magaalada Muqdisho halkaasoo wadooyinka ay ku teedsanyihiin Ciidamo
katirsan dowladda KMG ah.
Iyadoo
maalinimadii shalay suuqa Bakaaraha y ku dhinteen 6 qofood oo rayid
ah iyo waliba labo kale oo dhaawac ugu geeriyooday isbitaalka ayaa
hadana saaka waxaa hareeraha suuqaasi la soo dhoobay Ciidamo aad u
fara badan oo katirsan dowladda KMG ah ee soomaaliya.
Suuqa oo saaka ku
waabariistay rasaas goos goos ah ayaa waxaa gabi ahaanba xiran
howlihii dhaqdhaqaaqa ganacsiga suuqa Bakaaraha oo halbowlle u ah
nolosha dad shacabka ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Waxaa dadka ka ag
dhaw agagaaraha suuqa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dadka
iyo gaadiidka u diidayaan wadooyinka ka baxa suuqa iyo kuwa soo
galaba.
Daganaashiyo
la'aanta Bakaaro ayaa timid ka dib markii ay gudaha u soo galaan
askarta ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo
sida ay sheegeen ugaarsanaya waxa ay ugu yeereen " shaqsiyaad baxsad"
ah oo cilaaqaad la leh kooxaha ka soo dowlad federaalka iyo
joogitaanka ciidamada Itoobiya.
Waxaa sidoo kale
ay sheegayaan dadka goojoogayaasha ah in Ciidamada dowladda KMG ah
ay dadka dhac u gaysanayaan iyagoo ka qaadanaya Moobeelada iyo
lacagaha ay markaasi gacanta ku dhigaan waxaana dadka qaar kood ay
muujiyeen sida ay uga xunyihiin in sidii burcadii ay Ciidamada
dowladda dad ula dhaqmaan iyadoo taana ay iska fogeeyeen saraakiisha
ciidamada howlgalada wada.
Inkastoo
haatan xaalada suuqa bakaaro ay dagan tahay marka loo eego sidii ay
shalay ahayd ayaa hadana weli waxaa laga maqlayaa wadooyinka soo
gala suuqa dhawaqa rasaas teelteel ah oo ay ridayaan ciidamada
dowlada KMG ah.