Guriga Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose oo xalay la weeraray.

Mogadishu ,30, September 2007 (HornAfrik Media)

Kooxa hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday guriga Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose uu ka daganyahay Magaalada Marko xili uu Guddoomiyaha ka maqnaa hoygiisa halkaasi oo israaseyn ay ku dhexmartay ilaalada guriga iyo kooxihii soo weeraray

Israaseyntaan oo muddo daqiiqado ah ka soconaysay gudaha Magaalada Marko ayaa waxaa ay u dhaxaysay ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/Qaadir Sheekh Maxamed Nuur iyo kooxo hubaysan.

Kooxahaan ayaa rasaas xoogan la beegsaday guriga Guddoomiyaha in kastoo uusan xiligaasi joogin guddoomiyuhu aqalkiisa.

Ma jirto cid weerarkaasi wax ku noqtay,iyadoo sidoo kale xariir lala sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose uusan suuragalin.

Falkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalin kahor kooxo hubaysan ay jidka u galeen taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Gobolkaasi Nuure Cali faarax,iyadoo sidoo kale ay ahayd 16 bishaan xiligii la dilay taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska saldhiga Magaalada Marko Maxamuud Salaad Siyaad sanjabiil.

Weerarada lagu hayo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka sh/hoose ayaan la garanayn rasmi ahaan cida ka dambaysa.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com