In ka badan 20 qof oo Ciidamada itoobiya ay ka wateen deegaanka  Towfiiq ee degmada Yaaqshiid

Mogadishu ,30, September 2007 (HornAfrik Media)

Ciidamada itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka ciyaaraha ee stadium Muqdisho ayaa in ka badan 20 ruux ka watay qeybo ka mid ah deegaanka Towfiiq ee degmada Yaaqshiid Magaalada Muqdisho halkaasi oo saaka Ciidamada itoobiya ay howlgal ka sameeyeen.

Howlgalkaan ay sameeyeen Ciidamada itoobiyaanka ee fariisinka ka dhigtay garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka gadaal markii shalay maqribnimadii bamgacmeed lala beegsaday ciidamo itoobiyaan ah oo kusugnaa agagaarka istgoyska Towfiiq.

Qaraxaasi kadib ayaa Cidamada itoobiyaanka waxaa ay gudaha u galeen xaafadaha ku teedsan isgoyska Towfiiq,iyadoo dadka deegaanka qof ka mid ah uu sheegay in ay dileen ciidamadaasi wiil dhalinyaro ah oo xiligaasi ka cararayay.

Calas Maxamed Guutaalle oo ka mid ah dadka deegaanka Towfiiq ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada itoobiya ay wateen in ka badan 20 ruux oo isagu jiray dhalinyaro iyo dad meherado ganacsi ku lahaa goobahaasi.

Saaka ayaa waxaa la soo daayay labo ka mid ah dadkii shalay ay qabteen Ciidamada itoobiyaanka,iyadoo intii kalena wali ay gacantooda Ciidamada ku jirto.

Macada sida ay ka yeeli doonaan Ciidamadaasi dadka ay qab qabteen ,iyadoo sidoo kale ay baaritaano ku hayaan islamarkaana ay su’aalo ka waydiinayaan cidii ka dambaysay falalka lagu weeraray.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Ciidamada itoobiyaanka ee saldhiga ka dhigtay garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho ay dad aan waxba galabsan xir xiraan islamarkaana marar qaar la arko dad ay dileen oo banaanka garoonka ay soo dhigeen.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com