Golaha wasiiradda dowladda KMG ah oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media)

Madaxweynaha dowlada KMG ah ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed ayaa ka qeybgalay kulan xasaasi ah oo ay golaha wasiirada dowladda fadaraalka soomaaliya maanta ku yeesheen xarunta nabad sugida ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ay isagu yimaadeen golaha wasiiradda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya oo ahaa mid balaaran oo lagu lafa gurayay qodobo door ah kuwaas oo uu gu muhiim sanaa dhinaca nabadgalyada ayaa waxaa ka qeyb galay hay’addaha nabadgalyada dowladda KMG ah iyo maamulka  Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ahaa mid albaada ay u laaban yihiin  ayaa qodobadii looga hadlay waxaa si kooban uga warbixyay HornAfrik wasiir dowlaha arrimaha Gudaha dowladda KMG ah Maxamuud Siyad Aadan isagoo sheegay in howlo ammaan oo deg deg ah looga hadlayay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu golaha wasiirada hordhigay qodobadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Magaalada Muqdisho si ay uga doodaan,iyadoo halkaasi ay dood xasaasi ah ku dhexmartay Golaha wasiirada.

Kulankaan dhexmaray golaha wasiiradda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay Ray’sal wasaaraha dowladda Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi waxaana lagu tilmaami karaa kulankii ugu adkaa ee dhexmara in Golaha wasiiradda.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com