in ka badan 20 dhaawacyo dad rayid ah oo la gaarsiiya isbitaalka Madiina 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media)

20 qof oo dhaawac ah ayaa 24 saac ee soo dhaafay waxaa la dhigay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo dhamaan ku  dhaawacmay rabshadaha ka aloosan caasimada Muqdisho.

In ka badan 20 ruux oo rayid u badan ayaa 24 saac ee la soo dhaafay la dhigay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

dadkaan ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwa dhaawacyadu ay ka soo gaareen iska horimaadyadii xalay iyo shalay ka dhacayay Magaalada Muqdisho kuwaas oo dhexmarayay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Guud ahaan 48 saac ee la soo dhaafay waxaa isbitaalka Madiina la dhigay in ka badan 40 ruux oo u badan dad rayid ah.

Madaxa isbitaalka Madiina daahir dheere ayaa sheegay in isbitaalka Madiina uu haatan la ciir ciirayo dhaawacyo fara badan kuwaas oo uu sheegay in aysan suura gal ahayn isbitaalka uu baahidooda daboolo.

Daahir dheere waxaa uu sheegay in 15 ruux oo dhaawac fudud ah laga bixiyay isbitaalka isagoo intaasi ku daray in ay saacad walba filan karaan dhaawacyo cusub oo soo gaara.

Inta badan rabshadaha ka taagan Magaalada ayaa waxaa ay dhibaato wayn ka soo gaartaa shacabka aan waxba galabsan,iyadoo xiligaan dad aad u fara badan ay ka barayacaan deegaanada Yaaqshiid iyo Hodan iyo meelo kale oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.   

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com