Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo jidgooyooyin ka qaaday
degmooyinka Afgooye iyo Baraawe.
Mogadishu ,03,
September 2007 (HornAfrik Media)
Saraakiisha iyo
maamulka gobolka Sh.hoose ayaa sheegay in ay ku guulaysteen qaadista
dhowr jidgooyooyin oo yiilay inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo
Baraawe kuwaas oo lacago baad ah looga qaadan jiray gaadiidka
wadadaasi isticmaala.
Gudoomiyaha
Gobolka Sh.hoose iyo xubno kale oo katirsan Maamulka oo howlo shaqo
ku jooga qeybo ka mid ah gobolkaasi ayaa sheegay in ay ku
guulaysteen in ay qaadaan ilaa dhowr isbaaro oo dadka lagu wax
yeelayn jiray kuwaas oo yiilay inta u dhaxaysa afgooye iyo Baraawe.
Waxaa sidoo kale
ay sheegeen in ay xaliyeen khilaafyo u dhaxeeyay qaar ka mid ah dadka
ku nool degmooyinka Gobolka sh/hoose.
Xubnahaan
katirsan Maamulka Gobolka sh/hoose ayaa waxaa hogaaminaya C/qaadir
sheikh Maxamed Nuur waxaana ay sheegeen inay gaari doonaan
degmooyinka Walaweyn iyo Owdheeglle ee Gobolka sh/hoose arrintaas oo
ay sheegeen in ay tahay sidii loo adkayn lahaa ammaanka guud ee
gobolka.
Dhinaca kale
Maamulka sh/hoose ayaa Ciidamo geeyay wadooyinka mara dhinaca xeebta
gobolkaasi halkaasi oo ay ku soo bateen baryahaan kooxo burcad ah.
Gobolka Sh.hoose
ayaa waxaa baryahaan ku soo badanayay jidgooyooyin fara badan oo ay
lacago baad ah kaga qaadanayaan dadka iyo gaadiidka kooxo burcad ah
iyagoo mararka qaarna jir dil iyo boob u gaysanaya rakaabka.