Kulan looga hadlayay ammaanka oo ku soo gabogaboobay deegaanka Dooloow Somalia ee Gobolka.

Mogadishu ,9, September 2007 (HornAfrik Media)

Kulan dhanka amaanka oo dhawanahaani ka socday deegaanka Dooloow Soomaliya ayaa la soo gabagabeeyay gilinkii dambe ee shalay, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah oo amaanka quseeya .

Kulankaani ayaa waxaa isugu yimid maamulka gobolka Geddo iyo gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Geddo, waxaana diirada lagu saaray xoojinta amaanka gobolka iyo wax ka qabashada cid kasta oo isku dayda fatqala abuurid,.


Kulankaani oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil Itoobiyaan ah ayaa la iskula gartay qodobo ay ka mid ah ahaayeen in talaabo laga qaado cid kasta oo abuurta falal amaan darri  iyo dhiira gilinta dadaalada nabadeed .


Gudoomiyaha gobolka Geddo Aadan Nuur Owxersi ayaa daboolka ka qaaday in uu ku rajo weyn yahay in qodobadaasi ay si buuxda u dhgaqan galaan .

Waxa uuna kulankaasi uu soo baxayaa xilli dhawaanahaani deegaanada Gobolka Geddo ay ku soo kordhayeen maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan kuwaasi oo falal amaan dari geysanaya.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com