Degmada Baardheere oo Ayax badani gaaray

(Mogadishu, January 3 , 2008 HornAfrik Media)

qeybo ka mid ah Gobolada Dalka soomaaliya ayaa waxaa fara ba'an ku haya ayax si raxan raxan ah u socda waxaana haatan ayaxaasi uu fara ba'an ku hayaa beeraleyda degmada Baardheere ee gobolka gedo ku dhaqan.

Ayax fara badan ayaa dhawaan waxaa uu ku habsaday qaar ka mid ah Gobolada dhexe ee dalka Somaaliya iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah Gobolka Hiiraan uu gaaray ayaxaasi.

Bilihii la soo dhaafay iyo midaan lagu jiro ayaa waxaa qaar ka mid ah gayiga soomaaliya ku habsaday ayax fara badan oo guurgiiriya kaasoo wax yeelo xoogan u gaystay dhul daaqsin ah iyo mid beera ah.

waxaa haatan gebolada geddo gaaray ayax aad u tira badan kaasoo raxan raxan u socda.

beeraleyda degmada baardheere ee gobolkaasi ayaa sheegay in ayaxaani uu beerahooda dhibaato xoogan ku hayo.

Ayaxaan ayaa waxaa uu markii hore ka soo kicitimay dhulka barri ee soomaaliya isagoo ku sii fiday gobolo ay ka mid yihiin kuwa dhexe iyo Hiiraan waliba gobolada dalka ee fureed halkaasi oo la sheegay in wax yeelo uu gaystay.

Ayaxaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyey qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa uu saameeyay.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com