Ciidamo katirsan dowladda oo qof rayid ah saaka ku diley Degmada Waabar.

(Mogadishu, January 3 , 2008 HornAfrik Media)

Ciidamo katirsan dowladda kmg ah ee soomalia ayaa saaka qof rayid ah ku toogtay xaafada laabeeriya ee Degmada Waabari Magalaada Muqdisho kadib markii ciidamadaasi ay saaka isku gadaameen guri uu leeyahay nin ay halkaasi ka wateen.

ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada ayaa gaaray xaafada laabeeria ee degmada waabari halkaasi oo ay ka wateen mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la ogeyn sababta ay u wateen,hase ahaatee inta aysan ciidamadaani ninkaasi aya waxa ay dileen qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray c/fitaax sida dadka deegaanka ay Idaacada hornafrik u sheegeen.

"ciidamada tuuteysan oo katirsan dowladda kmg ah oo wata gaari c/bille ah iyo roneed ayaa yimid saaka xaafada waxaana ay raadinayeen nin ilaa xalay ay baadi goobayeen" ayuu yiri qof goobjooge ah oo qariyay magaciisa sababo ammaan dartoo.

xariir aan la samayney saraakiisha dhanka booliska u qaabilsan saxaafadda ayaan la helin si wax looga waydiiyo sababta ninka la sheegay loo watay islamarkaana ciidamada dowladda ay u dileen qofka rayidka ah.

ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaato dhimasho iyo dhaawac leh ay ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa itoobiyaanka u gaystaan dadka rayidka ah xilyada ay howlgalada ka sameynayaa deegaanada kala duwan ee magaalada muqdisho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com