Ciidamo katirsan dowladda KMg ah oo maanta israsaaseyn dhimasho keentay ay dhexmartay.
(Mogadishu,
January
2 ,
2008
HornAfrik Media)
sadax qof oo labo ka mid ah ay yihiin ciidamo katirsan dowladda kmg ah ayaa geeriyooday kadib markii duhurnimadii maanta israsaaseyn xoogani isgosyka H/Wadaag uu ku dhexmaray ciidamo katirsan dowlada somalia.
dhimashada labadaan askari ayaa timid kadib markii ciidamada oo si sharci daro ah lacag uga qaadaya gaadiidka Bl-ka uu muran dhexmaray kaasoo gacan ka hadal isku bedelay.
qof rayid ah ayaa ku geeriyooday rasaasta ay fureen ciidamada dowladda kmg ah,iyadoo ilaa galinkii dambe ee maanta ay googsatay rasaasta ay is waydaarsanayeen ciidamada dowladda.
ilaa saaka waxa xirnaa isku socodka gaadiidka iyo dadka wadada koowaad ee suuqa bakaaraha.
dhanka kale waxa maanta askari katirsan dowladda kmg ah uu qof rayid ah ku dilay deegaanka soobe kadib marii uu askarigaasi rasaas ooda kaga qaaday gaari Bl ah oo wadada marayay.
macada sababta arrintaan keentay balse waxaan waxba la iska waydiin qasaaraha dadka ka rayidka ah ka soo gaaraya dagaalada iyo dilalka bareerka ah ee ka dhacaya har iyo habeen magaalada Mudisho.