Iska
hor'imaad hubeysan oo ka dhacay xaruntii Guulwadayaasha ee
magaalada Muqdisho.
Mogadishu ,30,
September 2007 (HornAfrik Media)Dagaal
culus ayaa caawo goor hore ku dhexmaray dhismihii hore ee ciidamada
G/wadayaasha askarta ciidamada booliska iyo kooxo hubeysan oo ka soo
horjeeda siyaasada dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Iska
hor'imaadkaasi ayaa qarxay abaaro maqribnimadii hore ee caawo kaasi
oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan wuxuuna soconayay
muddo dhowr daqiiqada ah.
Mid ka mida dadka
deegaanka oo idaacada HornAfrik u warameeysay ayaa sheegtay in la
arkayay madaafiic tuuro ahaa oo dulmarayay xaafadaha ku teedsan
halka uu dagaalka ka dhacay ee Guulwadayaasha.
Dhismihii hore ee
ciidamada G/wadayaasha ayaa waqti xaadirkaani waxa uu fariisim u
yahay cutubyo ka tirsan ciidamada booliska xukuumada federaalka ee
Soomaaliya.
Ilaa iyo iminkana
lama garanayo qasaaraha rasmiyan uu geystay dagaalkaasi caawo.
Balse, waxaa la
aaminsan yahay in uu qayb ka yahay weeraradda habeenadii ugu
dambeeyay lagu qaadayay saldhigyada ciidamada dowlada Soomaaliya.