Ciidamada itoobiya oo dad rayid ah muqdisho ku dilay

(Mogadishu, December 30, 2007 HornAfrik Media)

Meydadka ilaa sadex qof oo rayid ah oo ay toogteen ciidamada itoobiya ee saldhiga ku leh garoonka ciyaaraha istaadiya muqdisho ayaa maanta lagu arkey qeybo ka mid ah deegaanka x/jadiid degmada wardhiiley ee magaalada muqdisho.

Mid ka mid ah dadka deegaanka xamar jadiid ayaa waxaa uu sheegay in saaka ay arkeen labo ruux oo meyd ah kuwaas oo ay ka muuqdeen rasaas xoogan oo ciidamada itoobiyaanka ay la beegsadeen.

Waxaa uu sheegay goobjoogahaani in saaka markii ay dadkaasi qaadayeen hadana ay arkeen nin kale oo meyd ah kaasoo la sheegay in kaari roneeyd ah uu watey markii ciidamada itoobiyaanka ay tooganayeen.

Dadka ku dhaqan deegaanka xamarjadiid ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalka deegaankooda ay ka gaysanayaan ciidamada itoobiyaanka ee fariisinka ku leh garoonka ciyaaraha istaadiya Muqdisho.

Deegaanka xamarjadiid ayaa waxaa uu si aad ugu dhawyahay xarunta xisbiga iyo garoonka ciyaaraha ee istaadiyo Muqdisho waxaana inta badan ciidamada itoobiyaanka ay kor ka toogtaan dadka ,iyadoo tani aysan ahayn dilalkii ugu horeeyay ee dad rayid ah oo ciidamada itoobiya ay ku dilaan deegaanka xamarjadiid iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com