Dadkii lahaa guryaha iyo
dhismayaasha ay ciidamada itoobiyaanka ka guureen ee Degmada
guraceel ayaa bilaabay in dib u daganaa guryahooda ayna
bilaabaan meelaha qaar dhismayaasha guryo cusub kadib markii
ay baabiyeen guryahooda ciidamada itoobiyaanka oo muddo 6
bilood ah halkaasi fariisin ka dhigtay.

goobo caafimaad oo uu lahaa urur
lagu magacaabo Saahid oo ka howlgala deegaano katirsan gobolka
g/gaduud iyo xarun kale oo uu ka soconayay dhisme ka hor intii
aysan degan ciidamada itoobiya ayaa haatan dhismayaashooda dib
loo bilaabay.
ilaa 50 guri oo dad rayid ah
leeyihiin ayaa ciidamada itoobiyaanka la sheegay in ay degaan
islamarkaana ay ka barakiciyeen dadkii rayidka ahaa ee lahaa
xaafadahaasi.

saaka ayaa dadka guraceel qaar
kood bilaabeen in ay aruuriyaan waxyaabo ciidamada itoobiya
halkaasi kaga tageen,iyadoo dhismayaalna halkaasi la filayo in
laga dhisgto in kastoo laga yaabo in ciidamada itoobiya
halkaasi dib ugu soo laabtaan,

ciidamada itoobiyaanka ayaa la
sheegay in ay burbiriyeen guryo cooshado ka sameysan oo
halkaasi ku yaala ka hor inta aysan bixin.
habeen hore sideedii saac saqda
dhexe ayay ahayd markii ciidamada itoobiyaanka ay ka baxeen
magaalada guraceel kuwaas oo la ogayn sababta ka dambeysay
bixitaankooda waxaana ay wateen dad katirsan deegaankaasi
kuwaas oo aan la sheegi karin sababta keentay.