Afhayeenka gobolka
banadir oo saaka qarax miino ku dhaawacmey.
(Mogadishu,
December
29,
2007
HornAfrik Media)

afhayeenkii
Maamulka banadir Maxamed Muxudiin ayaa saaka lala beegsaday
gaari uu saarnaa qarax miino ,iyadoo afhayeenku uu ugu
geeriyooday isbitaalka Keydsaney ee Magaalada Muqdisho dhaawac
soo gaaray
saaka abaare
8:30am ayaa qarax xoogan waxaa uu ka dhacay meel aan sidaasi
uga fogeyn meel geerish ah oo ku taala degmada
gaaraan ee magaalada Muqdissho,iyadoo la sheegayo
in qaraxaasi lala eegtay gaari uu saarnaa afhayeenka maamulka
gobolka banadir maxamed muxudiin.

qaraxaan oo ahaa
miinada dhulka la galiyo islamarkaana gacanta laga hago ayaa
la xaqiijiyay in uu haleelay gaariga uu saarnaa afhayeenka
maamulka gobolka banadir markaas oo dhaawac halis ah uu soo
gaaray afhayeenka waxaana durba loola cararey isbitaalka
keydsaneyn ee magaalada muqdisho.
afhayeenka ayaa
dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka keydsaney
daqiiqado yar uun ka dib.
waxaa lagu aasay
maanta afhayeenkii maamulka gobolka banadir abuuraha sheekh
cali cabdule ee degmada ee magaalada muqdisho.

guddoomiyaha
degmada kaaraan ayaa sheegay in qof ay uga shakinayaa falkaan
dilka ah ay gacanta ku dhigeen.

wali wax faah
faahin kama soo bixi maamulka gobolka banadir iyadoo saacadaha
soo socda lagu wado in la aaso meydka afhayeenkii maamulka
gobolka banadir Alle ha u naxariistee Maxamed Muxudiin.