4 ruux oo
ku geeriyootay iska horimaady labo maleeshiyo beeleed ku
dhexmaray deegaanka katirsan Gobolka Sh/hoose.
Mogadishu ,30,
September 2007 (HornAfrik Media)
4 qof ayaa ku
geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen inta la
ogyahay kadib markii maanta iska horimaad labo maleeshiyo beeleed uu
ku dhexmaray deegaanka Kuunyabarrow oo katirsan Gobolka Sh/hoose.
4 ruux ayaa ku
geeriyootay tiro intaasi la egna waa ay ku dhaawacmeen ka gadaal
markii maanta labo maleeshiyo beeleed oo ka soo jeeda deegaanka
Kuunyobarrow oo qiyaastii 90KLM dhinaca koofureed uga beegan xarunta
degmada Barawaaye uu dagaal maanta halkaasi ku dhexmaray.
Arrinta iska
horimaadkaan ayaa waxaa la sheegay in uu la xariiro iska qab qabsi
ka yimid dhinaca dhuxusha,iyadoo taasina ay saameyn balaaran ku
yeelatay isku socodka gaadiidka isaga kala goosha gobolka J/dhexe
iyo Sh/hoose.
Dadka ku dhaqan
deegaanadaasi ayaa HornAfrik u xaqiijiyay in gaadiid fara badan oo u
kala gooshayay deegaanada Jilib iyo baraawe ay halkaasi ku
xayiranyihiin hase ahaatee Maamulka degmada Baraawe ayaa sheegay in
ay iminka ku howlanyihiin sidii arrintaasi looga hortagi lahaa.
Si kasta oo ay
ahaataba iska horimaadkaan ka dhacay deegaanka Kuunyabarrow ayaa
waxaa uu sababay in dadkii deegaankaasi ay ka huleelaan iyagoo ka
baqdin qaba dhibaato soo gaarta.
Ma ahan markii
ugu horaysay oo deegaanadaasi ay ku herdamaan maleeshiyo beeleedyo
balse waxaa jiray horaantii bishii la soo dhaafay isku dhacyo
sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo sidoo kale la xariiray jarista
dhirta.
Xuseen Nuur Geesay"Sh/hoose.