Qeybtii labaad oo ciidamo Burundi ah oo maanta muqdisho soo gaaray.

(Mogadishu, December 24, 2007 HornAfrik Media)

Qeybtii labaad ee ciidamada ka socda wadanka Burundi ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ee horay muqdisho u joogay.

96 askari oo  ka socota wadanka burundi ayaa maanta ka soo dagay garoonka duulimaadka ee magaalada muqdisho halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil katirsan Amisom.

Ciidamadaan ayaa waxaa aan la sheegin inta ay gaarayaan basle kuwii shalay soo gaaray magaalada muqdisho ayaa gaarayay 100 askari waxaana qeyb ka yihiin 8,50 oo Burundi ay sheegtay in Somalia ay u soo dirayso.

Saanado iyo qalab milatari ayaa ciidamada Burundi horay waxaa ay ugala soo dageen magaalada Muqdisho.

Ciidamada maanta yimid muqdisho waxaa ay waday diyaarad nuuca xamuulka ah oo laga leeyahay wadanka Uganda.

Saraakiisha ciidamada Amisom ee kusugan magaalada muqdisho ayaan faahfaahin ka bixin ciidamada Burundi ee maanta soo gaaray Somalia wallow kuwii shalay sharaxaad ka bixiyeen mar uu la hadlayay idaacada hornafrik afhayeenka ciidamada Amisom ee muqdisho captim baddy Ankunda.

Ururka amniga iyo nabada Africa ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada soomaaliya ka jirta ay halis ku tahay qaraada Africa oo dhan islamarkaana loo baahan yahay si laga hor tago.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa waxaa ay iyana sheegeen in la dardar galiyo ciidamada nabad ilaalinta ee African-ka ah ee Somalia la gaynayo,iyadoo xoghayaha guud ee qaramada midoobay ban ki moon laga sugayo qorshe Somalia lagu keenayo ciidamo ka socda unka oo bedela kuwa Amisom.

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com