Guddiga ganacsatada Gobolka Banaadir oo deeq lacageed gaarsiiyay Bukaanada kujira qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

lacag la siiyay wiil ku jiifa sariir taala Isbitaalka Madiina.

Mogadishu ,30, September 2007 (HornAfrik Media)

Mas'uuliyiinta isbitaalka madiina oo la hadlaysa saxaafada

Guddiga ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay Bukaanada kujira qaar ka mid ah isbitaalada waawayn ee Magaalada Muqdisho taasoo ay ugu tala galeen bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gudddiga Ganacsatada oo wada fadhiya.

Deeqdaan lacageed oo ay iska soo arruuriyeen xubnaha midowga ganacsatada Gobolka Banadir ayaa waxaa isla maantaba la gaarsiiyay isbitaalada waawayn ee Magaalada Muqdisho,iyadoo bukaan walba gacanta loo galay qoodadii lacageed ee loogu talagalay.

Wiil yar oo lacag deeq ah la siinayo isagoo jiifa.

Isbitaalada maanta la gaarsiiyay deeqdaan lacageed ayaa waxaa ka mid ah isbitaalka Banaadir iyo Madiina.

Dr Xasan Cismaan Ciise Buurane oo ah Maamulaha isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa aad uga mahadceliyay deeqda maata la gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalkaasi.

Gabar yar oo lacag la siinayo iyadoo dhabta hooyaded saaran.

Afhayeenka taakulaynta Midowga ganacsatada oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan kaalmooyinka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Cunnug Yar oo Gubtay aadna looga nixi karo.

Xubnaha ganacsatada Gobolka Banaadir waxaa ay ugu baaqeen jaaliyadaha iyo shirkadaha ganacsatada Gobolka Banaadir in ay kaalmeeyaan shacabka dhibaataysan.

 

 wararkii Hore

Copyright © HornAfrik Media INC. 1999 - 2006. All rights reserved
Designed by AfroTech
Webmaster-Faracade20@hotmail.com