4 qof oo uu ka mid yahay korneyl katirsanaa Ciidanka dowladda
hoose oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Mogadishu ,30,
September 2007 (HornAfrik Media)
4 qof oo uu ka
mid yahay korneyl katirsanaa Ciidanka dowladda hoose ayaa maanta
siyaabo kala duwan loogu dilay suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad ee
Magaalada Muqdisho.
Afartaan ruux ee
lagu dilay maanta Magaalada Muqdihso ayaa waxaa mid kood ahaa
sargaal katirsan Ciidanka dowladda Hoose ee Gobolka banaadir kaasoo
lagu magacaabi jiray ALLE ha u naxariistee korneyl cabdi Xaaji Axmed
(dhagabalac)
Sargaalkaan ayaa
kooxo hubaysan waxaa ay maanta ku dileen gudaha suuq bacaad.
Dilkaasi ka dib
ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee
Soomaaliya.
Sidoo kale sadax
ruux oo rayid ah ayaa maanta waxaa lagu dilay suuqa Bakaaraha ee
Magaalada Muqdisho.
Falalka dilalka
ah ee qorshaysan ayaa muddooyinkaan dambe waxaa ay ku soo bateen
caasimada Muqdisho,iyadoo aysan cadayn cida sida ramsiga ah u
gaysanaysa.
Dhinaca kale hal
qof ayaa ku dhaawacmay miino dhulka lagu aasay oo iskeed isaga
qaraxday taasoo ka dhacday deegaanka suuqa xoolaha ee degmada
Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.