Somalida ku nool wadanka Eritrea oo Maalintii 2aad ku jirta
damaashaadka Ciiidul Atxaa.
(Mogadishu,
December
20,
2007
HornAfrik Media)
Somalida ku
nool wadankan Eritrea ayaa maalintii 2aad waxa ay ku jiraan u
dabaal dagidda munaasabada Ciidul Atxaa gaar ahaan
magaalooyinka Asmara , Musawac iyo Asab waxana mar aan socod
kusoo maray shalay iyo maanta aan kusoo maray qaar ka tirsan
wadooyinka waa weeyn ee Caasimadan Asmara aan ku arkay somali
badan oo isugu jira rag,Dumar iyo Caruur oo ka qeyb qaadanaya
Farxadda ciidda.
Qaar ka
tirsan dadkan oo aan la kulmay ayaa waxa ay ii sheegeen in
sanadkasta sidan oo kale ay uga qeyb qaataan munaasabadaha
Ciida .
Muslimiinta
ku nool wadankan ayaa salaadii Ciidda waxa shalay ay ku
dukadeen fagaaraha weyn ee Staduimka waxana ammaanka si weyn u
ilaalinayey Ciidamada biliiska ee wadankan kuwaasoo xitaa
joojiyey isu socodka gaadiidka gaar ahaan wadooyinka u dhaw
Stadiumka . waxana sidoo kale jiray gudiyo Culumaa,udiin ah oo
dadka agaasimayey .
hadaba markii
salaadda aanu dukanay ayaa imaamkii waxa uu fagaaraha ka
aqrieyey qudbad aan qiimo u laheyd oo uu kaga hadlalyey
fadliga Ciidul atxaa, iyo dhibaatooyinka haysta Umadda
Islaamka,gaar ahaan Falistiin iyo Somalia.
Mar uu ka
hadlayey arimaha Somalia ayaa imaamku waxa uu sheegay in
Umadda Soomaaliyeed mudda dhoowr sano ah ay dhibaatooyin ku
jirtay waxana uu Alle uga baryey in uu nabad ku soo dabaalo.
Somalida ku
nool wadankan Eritrea ayaa si weyn loo qadariyaa waxana xitaa
marka aad raacdid basaska waa weyn looga kacaa kuraasta iyagoo
markaana kuu sheegayo in ay aad uga xun yihiin dagaalada ka
soconaya magaalada Muqdisha.
Dhinaca kale
magaalada Musawac oo ka mid ah magaalooyinka ugu weyn wadankan
ayaa waxa ku sugan in kabadan 2kun oo qaxooti Somaliyeed ah
kuwaasoo qaarkood joogay in kabadan 14sano.
Qaxootigan
ayaa waxa ay horay uga soo barakaceen magaalooyinka Muqdisha
iyo qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka, waxana meesha ku haya
hay,ada Qaramada midoow u qaabilsan qaxootiga UNHCR.
Magaalada
Musawac ayaa sidoo kale hooy waxa ay u tahay boqolaal Soomaali
ah oo ka yimid magaalooyinka Muqdisha Burca iyo Boorame
kuwaasoo si tahriib ah ku yimaada isla markaana uga sii gudba
wadanka Suudaan .
Qaar ka
tirsan dadka tahriibaya oo aan la kulmay ayaa waxa ay sheegeen
in magaalada Musawac lug ay uga baxayaan iyaga oo qaadaya
wadad xeebta ah waxana ay soconayaan illaa 12maalmood waaba
hadii ay ka bad baadaan Ciidanka Ilaalada xadka
Eritrea,.waxana dhacda dad badan oo dib loogu soo celiyey
magaalada Musawac iyaga oo xadka Suudaan u sii gudbayo.