Daagaal culus oo ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha ee Magaalada
Muqdisho.
(Mogadishu,
December
18,
2007
HornAfrik Media)
labo qof ayaa ku dhimatay.Iska
horimaad xoog leh oo la isku adeedsayday nuucyada kala duwan
ee hubka oo ay ku jiraan madaafiicda waawayn oo ka dhacay maanta
deegaanka suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Magaalada
muqdisho.
Iska
horimaayadaan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMg ah iyo kuwa
itoobiyaanka oo dhinac ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo
horjeeda siyaasada dowladda iyo joogitaanka ciidamada
itoobiyaanka ee Somalia ,iyadoo dagaalkaasina la
sheegay in uu aad u xoog badanaa.
Daryanka
hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa si wayn looga maqlayay qeybo
badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada
huriwaa halkaasi oo dadkii
dadganaa ay badan kood horey uga barakaceen.
Shalay
galinkii dambe ayaa ciidamada itoobiyaanka waxaa ay duqeeyeen
goobo dad rayid ah ay dagan yihiin oo ku yaala degmada Huriwaa
halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo rayid ah
islamarkaana ay ku dhaawacmeen 40 kale oo gabi good rayid ah.
Wixii ka ku soo kordha kala soco wararkeena dambe,.