Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta golaha dhaqanka beelaha
Hawiye.
(Mogadishu,
December
17,
2007
HornAfrik Media)
Ref GDH&MBH0065
Date
17/12/2007
KU: Ra’isul
Wasaaraha Dowlada KMG ah
OG Beesha
Caalamka
Ujeedo:
Qayladhaan
1-Golaha
Dhaqanka iyo midnimada Hawiye waxa uu Ra’isul wasaaraha
Dowlada KMG ah ka dalbanayaan in xaalada maanta ka jirta dalka
wax ka qabto.
2-Waa inuu ka hadlaa xaalada gumaadka ah oo ay Ciidamada
dowlada iyo kuwa itoobiya ku hayaan dadka iyo dalka
islamarkaana waa inuu siidaayaa dadka sida sharcidara uga
booxa xabsiyada dowlada KMG ah, islamarkaana hor istaagaa
xaaladaas naxdinta leh ee ka jirta magaalada Muqdish.
3-Goluhu waxa
uu xasuusinayaa Raisul Wasaaraha Dowlada KMG ah inaysan jirin
Xaalad uu maanta ku soo dhiso xukuumad kale madaama dadka
muwaadiniinta ah ee ku dhaqan Caasimada ay marayaan xaalad
taangiyada Itoobiya ay haweenka somaaliyeed jiirayaan taas oo
ah mid aan horay loo arag.
4-Golaha
Dhaqanka iyo midnimada waxa uu cadaynayaa in wadooyinka
magaalada Muqdisho ay u xiranyihiin ciidamada itoobiya iyo
kuwa dowlada ,islamarkaana gaysanaya xadgudubyo baahsan oo ay
ka mid yihiin dilka iyo dhaca hantiga shacanka dhibaataysan.
5-Waa inuu
Ra’isul Wasaaraha ku dhaqaaqaa xaalada ka badalan xaalada uu
hada wax ku wado waana inuu shacabka Somaaliyeed u sameeyaa
dhiig joojin hadii uu doonaya inay shacabka taageeraan
Xukuumadiisa.
6-Golaha
Dhaqanka iyo midnimada Hawiye waxay ugu dambayntii ugu
baaqayaan Ra’isul Wasaaraha Dowlada inuu si Cad wax uga qabtaa
dhibaatooyinkaas ama uu iska casilaa Xilka uu sheeganayo
maadaama uusan ka mid ahayn Ragii horay dalka u dumiyay.
_______________________________
Maxamed
Xasan Xaad
Gudoomiyaha
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye