Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaal
gobolka sh/dhexe ka howlgala.
(Mogadishu,
December
3,
2007
HornAfrik Media)
Dagaal u dhexeeya ciidamo kala
taabacsan labada guddoomiye ku xigeen ee mamulka gobolka
sh.dhexe Xuseeen Xasan Maxamuud (xuseen dheere) iyo Axmed
Cumar Jaandhay ayaa saaka ka qarxay magaalada Jowhar.
Dagaalkan oo saaka waabargii
bilowday ayaa ciidamo ka tirsan maamulka gobolka sh.dhexe
weerar ku qaadeen guriga uu degen yahay guddoomiye kuxigeenka
gobolka sh.dhexe xuseen dheere waxaana dagaalkaasi oo bilowday
5tii subaxnimo uu yahay mid soo gaaray ilaa 7da aroornimo.
Dagalkan ayaa la rumeysan yahay
inuu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Lamana
oga ilaa iyo hadda tirada saxda ah ee ku waxyeelowday
dagaalkan hase yeeshee warar ayaa sheegaya in ilaa iyo saddex
askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalkan inkstoo
wararkaasi aan la xaqiijin. Illaa iyo hadda lama oga xaalada
guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka sh.dhexe Xuseen
dheere oo isaga xaruntiisu ay dagaaladau ka socdaan.
Dadweyne faro badan ayaa ka
cararay guryaha u dhow halka uu dagaalku ka bilowday,lamana
oga ilaa iyo hadda dad rayid ah oo wax ku noqday.
Dagaalkan ayaa salka ku haya dhac
ay geysteen ciidamo ka tirsan maamulka gobolka sh/dhexe iyadoo
ciidamadaasina ay boobeen lacag gaareysa 25malyan oo shillin
soomali ah oo ah lacago canshuuro ah.waxaana la sheegay in
ciidamadan boobay lacagtan ay ku jiraan xarunta guddoomiye
kuxigeenka maamulka gobolka sh.dhexe Xuseen dheere.