Ciidamada dowladda KMG ah oo maanta ka guuray wadada 2-aad ee
suuqa Bakaaraha.
Mogadishu
,1
October 2007 (HornAfrik Media)
Ciidamada
dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee fariisinka ku lahaa wadada
Aadan Cade ee suuq Bakaaraha Magaalada Muqdisho ayaa maanta
halkaasi ka guuray iyadoo dadka deegaankaasi ay si aad u soo
dhaweeyeen.
Ilaa iyo
dhowr iyo toban barri oo Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee
Soomaaliya ay Saldhig ka dhigteen wadada alaabad ee suuqa
Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka gabi ahaanba
Ciidamadaasi ay ka huleeleen fariisinkii ay halkaasi ku
lahaayeen.
Dadka
deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in si aad ay ugu
faraxsanyihiin Ciidamada dowladda ee ka guuray wadada labaad
ee suuqa Bakaaraha iyagoo sheegay in dhaqdhaqaaqii ganacsiga
iyo dadweynaha uu caadi goobahaasu ugu soo laabtay.
Xirnaanshaha wadada labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ay
saameyn xoogan ku yeelatay howlihii ganacsiga ee halkaasi ku
yiilay muddo ka badan todobaad.
lama oga sababta rasmiga ah
ee ka dambaysay in Ciidamada dowladda ay faarujiyaan
fariisinka ay markii hore ka samaysteen wadadaasi.
Dhinaca
waxaa macquul ah in Idaacadda Shabelle oo ku taala wadada
labaad ee suuqa Bakaaraha ay dib hawada ugu soo laabato
maadaam Ciidamadii dul daganaa ee rasaaseeyay ay ka guureen
goobihii ay daganaayeen.
Afhayeenka
Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya u qaabilsan xariirka
saxaafadda iyo dadweynaha C/waaxid ayaa sheegay in Ciidamaasi
markii ay u baahdaan ay dib ugu soo laaban doonaan fariisinka
ay ka guureen taasoo hadii ay dhacdo mar kale u horseedi karta
dadka deegaanka saameyn marlabaad soo food saarta
dhaqdhaqaaqooda iyo ganacsigooda.