Mid
ka mid ah meelihii wabiga Shabelle uu fatahaada ka gaystay oo
la gooyay
(Mogadishu,
December
16,
2007
HornAfrik Media)
Mid ka mid ah
meelihii ugu waynaa ee fataahaada uu ka sameeyay wabiga
Shabelle oo ku taal a gobolka sh/dhexe ayaa lagu guulaystay in
la gooyay.
Fatahaaada
wabiga Shabelle uu ka waday deegaanka boodaale ee degmasda
Jowhar ayaa lagu guulaystay in la xiro kadib shan bilood oo ay
tahaadaani socotay.
Fatahaadaan
ka baxday buqda boodaalle bartamihii bishii agoosto ee
sanadkaan ayaa qasaare badan gaarsiisay dhul beereed balaaran
oo ay ku yaaleen dalagyo kala gadisan,iyadoo dhul beereedkaana
ay ku kala yaalaan gobolada sh/hoose iyo sh/dhexe.
In ka badan
70 tuulo ayaa dadkii daganaa fatahaadahaan owgood uga
barakaceen,iyadoo dadkaasina ay dageen deegaano ku meel gaar
ah oo joog sare leh.
Buqda
boodaale xiritaankeeda ayaa ku qaadatay maamulka gobolkaasi
mudo ka badan 4 bilood.